Talyaaniga oo balaayiin Yuuro ku bari-taaray baanan kici lahaa

Intesa Sanpaolo wuxuu la wareegi doonaa hantida laba Banki oo qarka u saaran inay suuqa ka baxaan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Intesa Sanpaolo wuxuu la wareegi doonaa hantida laba Banki oo qarka u saaran inay suuqa ka baxaan

Dowladda Talyaaniga ayaa lacag ugu yaboohday bankiyo ku yaal dalkaas si ay shaqadooda u sii wataan, ka dib markii ay ku sigteen inay suuqa ka baxaan.

Waxay dowladdu amartay lacag gaareysa sagaal iyo toban bilyan oo dollar si loo hubiyo in bankiyada Banca Popolare di Vicenza iyo Veneto Banca ay sii wataan howlahooda.

Arrintan ayaa imaanaysa labo maalmood ka dib markii Bankiga Dhexe ee Yurub uu ku dhawaaqay in labada banki oo xaruntoodu tahay waqooyi-bari gobolka Veneto ay guul-darreysteen amaba ay guul-darro ku dhow yihiin.

Raysal wasaaraha Talyaaniga Paolo Gentiloni ayaa sheegay in tallaabadan badbaadinta ah loo baahnaa si loo dhowro dadka lacagahooda ku keydsaday iyo waliba badqabka hannaanka banki ee dalkaasi.

Xarumaha labada banki iyo shaqaalaha ayaa qayb ka noqon doona kooxda bankiyada Intesa.

Wasiirka ganacsiga Pier Carlo Padoan ayaa sheegay in Rome ay sidoo kale siin doonto Intesa damaanad qaad gaaraya 12bilyan oo yuuro oo loogu talo galay kaabid haddii ay lacago uga lumeen deymo.