Waraysi: Ka hor tagga maandooriyaha
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Ka hor tagga maandooriyaha

Maanta oo kale waxaa caalamka laga xusaa maalinta ka hortaga isticmaalka maandooriyaha iyo ka ganacsigiisa sharci darrada ah.

Munaasabadan ayaa looga gol-leeyahay in dalalka caalamka iyo bulshooyinka ay iska kaashadaan sidii loo heli lahaa duni ka caagan maandooriyaha.

Sanadihii dambe waxaa soo badanayay goobaha lagu dhaqanceliyo Soomaalida qabatintay maandooriyaha.

Hadaba heer intee la eg ayuu gaarsiisan yahay isticmaalka maandooriyaha ee bulshada Soomaalida?

Su'aashaasi iyo kuwo kale ayaan weydiinay Dr Cabdiqaadir Xuseen Warsame oo ah maamulaha xarunta wacyigelinta dhalinyarada ee Tawakal ee Nairobi.

Weriyeheenna Axmed-nagaashe ayuu u warramay.