Waraysi: C/raxmaan Saylici oo ka hadlaya 26ka Juun
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: C/raxmaan Saylici oo ka hadlaya 26ka Juun

26kii Juun 1960 ayey gobolladii la isku oran jiray waqooyiga Soomaaliya waxay xorriyadooda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska, waana maalintii ugu horaysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago magaalada Hargaysa.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa munaasabaddaasi hambalyo u diray shacabka.

Wareysi khaas ah oo uu siiyay BBC ayuu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin sababta aanay Somaliland u weyneyn xuska 26 Juun, wadahadallada u dhexeeya iyaga iyo dowladda Federaalka ah, iyo sicir bararka dhibaatada ku haya nolosha dadka reer Somaliland.

Cabdiraxmaan Saylici wuxuu u warramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.