US: Dowladda Suuriya waxay qorsheyneysaa weerar kale oo kiimiko ah

A man breathes through an oxygen mask as another one receives treatments, after what rescue workers described as a suspected gas attack in the town of Khan Sheikhoun in rebel-held Idlib, Syria April 4, 2017. Lahaanshaha sawirka Reuters

Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Suuriya ay u muuqato inay qorsheyneyso weerar kale oo ay u adeegsato hubka kiimikada, wuxuuna Mareykanku ka digay inay ``cawaaqib adag la kulmi doonto`` haddii ay weerarkaasi fuliso.

Aqalka Cad ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyo noocan oo kale ah la arkay bishii April wax yar uun ka hor inta aan hub kiimiko ah lagu weerarin magaalo ay kooxaha fallaagda gacanta ugu jirtay.

Weerarkaasi ayaa lagu dilay daraasiin qof oo u badan dad rayid ah taas oo ku qaaday madaxweyne Trump inuu amro in la duqeeyo saldhig ciidammada cirka oo ay leedahay dowladda Suuirya.

Madaxweynaha Suuirya Bashar al-Assad ayaa eedeynta isticmaalka hubka kiimikada ee bishii April ku tilmaamay mid la been abuuray.

War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer ayaa lagu sheegay in Mareykanku ``uu ka warhelay diyaargarow ay xukumadda Assad ugu jirto sidii ay u qaadi lahayd weerarka kiimikada oo laga yaabo inuu horseedo in dad badan oo rayid ah ay ku dhintaan``.

Aqalka Cad wax caddeyn ah ma uusan ka bixin eedeyntan u dambeysay, balse wakaaladda wararka ee AP ayaa ku warantay in macluumaadkan ay soo gudbiyeen sirdoonka Mareykanka.

Wakiilka mareykanka u fadhido Qaramada Midoobay Nikki Haley, ayaa sidoo kale sheegtay in Ruushka iyo Iran ay qaadi doonaan masuuliyadda hadii uu weerar kiimiko loo adeegsaday ay qaadaan xoogagga Assad.