Maraykanka oo Suuriya uga digay weerar kiimiko loo adeegsado

80 qof ayaa ku dhintay weerarkii sunta loo adeegsaday ee Idlib bishii April Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption 80 qof ayaa ku dhintay weerarkii sunta loo adeegsaday ee Idlib bishii April

Maraykanka ayaa sheegay inuu ogaaday diyaar garow xoog leh oo xukuumadda Suuriya ay doonayso inay ku qaaddo weerar kale oo kiimiko ah.

Qoraal laga soo saaray aqalka cad ayaa lala barbar dhigay dhaqdhaqaaqyada socda kuwii la arkay markii xukuumadda Assad ay samaynaysay diyaar garowga, in yar ka hor intii aan la qaadin weerarklii kiimikada loo adeegsaday ee dhacay horraantii sannadkan. Faahfaahin kale lama bixin.

In ka badan 80 qof ayaa ku dhintay magaalo ay fallaagadu haysatay oo ku taalla waqooyiga Suuriya, boqollaal kale oo ilmo ay ku jiraanna dhibaatadii sunta ay ka qaadeen ayey weli la jiifaan.

Madaxweyne Bashaar Assad wuxuu sheegay in Arrintaas ay tahay been abuur.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Gantaalo 50 ka badan ayuu Maraykanku ku riday Suuriya

Hadalka Aqalka cad ayaa looga digay "haddii Mr Assad uu mar kale qaado weerar ay dad badan ku dhintaan oo loo isticmaalo hub kiimiko ah, in isaga iyo milaterigiisa ay ka shallayn doonaan".