Sarkaal Helikobtar ku weeraray dhisme ay leedahay xukuumadda Venezuela

Askariga oo magaciisa ku sheegay Oscar Perez ayaa hadalkan soo dhigay Instagram Lahaanshaha sawirka INSTAGRAM
Image caption Askariga oo magaciisa ku sheegay Oscar Perez ayaa hadalkan soo dhigay Instagram

Dowladda Venezuela ayaa sheegeysa in sarkaal ciidamada qalabka sida ka tirsan uu afduubay diyaarad helikoptar ah oo booliisku leeyahay, ka dibna uu ku duuliyay magaalada.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyay diyaaradda helikobtarka oo dul heehaabeysa magaalada, gaar ahaan xarunta maxkamadda sare dusheeda, waxaana la maqlay dhawaqa qaraxyo dhowr ah.

Sarkaalka ayaa la rumeysan yahay in uu afduubtay diyaaradda isaga oo iska duubay muuqaal uu dowladda ku cambaareynayo.

Ma jiro wax war ah oo sheegaya in weerarka uu ka dhashay khasaare.

Inta badan waxaa ka jiray dalka Venezuela dibadbaxyo ka dhan ah dowladda oo soconayay ku dhawaad laba bilood, iyada oo ay sii xumaanayaan dhibaatooyinka dhanka dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee dalkaasi.

Inka badan 70 qof ayaana ku dhintay rabshado ka dhashay dibadbaxyadaasi tan iyo 1-dii bishii April.

Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa sheegay in bambooyin loo adeegsaday weerarka, waxa uuna wacad ku maray in ciidamada amaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan dadkii ka dambeeyay weerarkan.