Jamhuuriga oo dib u dhigay cod u qaadidda daryeelka caafimaadka

Jamhuuriyiintu waxay doonayaan inay daryeelka caafimaadka wax ka beddelaan

Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka oo iminka ah aqlabiyadda aqalka Senetka ayaa dib u dhigay cod u qaadidda sharciga daryeelka caafimaadka ee ay wataan ilaa toddobaadka dambe, maalinta dalkaasi fasaxa u ah ee 4-ta July.

Hadalkan oo uu ku dhawaaqay Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Senate-ka Mitch McConnell ayaa dib u dhac ku ah qorshahii lagu beddelayay daryeelka caafimaad ee Obama.

Siddeed ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay inay ka soo horjeesan doonaan sharciga, xisbiga ayaana keliya lumin kara labo cod si uu ugu guuleysto in hindisaha ay meel mariyaan golaha sare.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Senate-ka Jamhuuriga ku casuumay Aqalka Cad galabtii Talaadada si uu kulan ula yeesho.

Mid la mid ah hindise sharciyeedkan ayaa waxaa horey u meel mariyay Aqalka cad, ka dib markii uu dib u dhac ku yimid.

Mr McConnell ayaa wacad ku maray inuu sii wadi doono isku dayga ah inuu codad helo, uuna is beddel ku sameyn doono hindisaha haddii loo baahdo.

Senatarrada dhexdhexaadka ah ayaa sheegaya in sharcigan uu dhib u keeni doono qaar ka tirsan deegaannadooda, halka muxaafidkuna ay sheegayaan inay ku jirto faragelin dowladeed oo saa`id ah.

Warka dib u dhaca ayaa imaanaya maalin uun ka dib markii xafiiska maaliyadda congress-ka ee dhexdhexaadka ah uu sheegay in sharcigan uu 22 milyan oo dad Ameerikaan ah ka qaadi doono caymiska caafimaadka 10-ka sano ee soo socda.