Sicirka xoolaha ee Ifo oo hoos u dhacay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sicirka xoolaha ee Ifo oo hoos u dhacay

Waxaa hoos u dhac wayn laga dareemayaa xoolihii loo iib geyn jiray sayladda ugu weyn ee xoolaha Kenya lagu kala iibsado ee ku yaalla xerada Ifo oo ka mid ah xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Arrintan ayaa loo aanaynayaa abaarta daba dheeraatay ee ku dhufatay gobolka geeska Afrika, taasoo saamaysay nolosha dadka xoolo dhaqatada ah ee ay noloshoodu ku tiirsanayd xoolaha nool, iyo dadka magaalada ee nolol maalmeedka ka heli jiray ganacsiga ka socda suuqa xoolaha.

Weriyaha BBC-da Bashkas Jug Soo dhacay ayaa la kulmay Cabdiwaasac Nuur Shuuriye oo ka mid ah xoola dhaqatada xoolahooda u iib keena suuqa xerada Ifo.