Madaxweynaha Shiinaha oo markii koobaad booqday Hong Kong

Waa markii madaxweyne Xi Jinping oo dhexda ka muuqda uu ka dagay garoonka ugu wayn magaalada Hong Kong isagoo ay weheliso xaaskiisa Peng Liyuan Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Waa markii madaxweyne Xi Jinping oo dhexda ka muuqda uu ka dagay garoonka ugu wayn magaalada Hong Kong isagoo ay weheliso xaaskiisa Peng Liyuan

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa gaaray Hong Kong si uu uga qaybqaato 20 guuradii ka soo wareegtay markii Britain ay dhulkaas dib ugu wareejisay Shiinaha.

Booqashadiisan oo taariikhi ah ayaa ah midii koobaad ee Xi uu ku tago tan iyo markii uu xilka la wareegay sannadkii 2012kii, waxayse ku soo aadaysaa iyadii ay sare u sii kacayso xiisadda siyaasadeed.

Waxaa la qorsheeyay munaasabado rasmi ah, waxaana sidoo kale jira mudaaharaadyo ay soo abaabuleen dadka dimuqraadiyadda u ol'oleeya iyo dadka Beijing la haya.

Dad badan oo caan ah oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda ayaa la xiray intii lagu guda jiray booqashada Xi.

Koox uu ka mid yahay Joshua Wong oo ah hogaamiyaha ardayda ayaa mudaaharaad ka dhigay taallo caan ah oo astaan u ah wareejinta Britain.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Waddooyinka ayaa la sudhay calamada Shiinaha iyo Hong Kong

Xi oo ay weheliso xaaskiisa Peng Liyuan ayaa ka soo dagay garoonka ugu magaalada ee Chek Lap Kok, wuxuuna sii joogi doona saddex maalmood.

Markii uu soo dagay waxaa soo dhaweeyay kooxaha baambayda iyo carruur wadhfinaya calamo.

Khudbad kooban oo uu halkaas ka jeediyay ayuu ka yiri Hong Kong "waligay qalbigayga ayay ku jirtay".