Daartii Grenfell: Cufka lagu gufeeyey daartii gubatey 'raqiis ayuu ahaa'

Daartii Grenfell

Cufka lagu gufeeyey daarta gubatay ee waqooyiga London markii dib u habeynta lagu sameynayey waxaa lagu bedeley mid raqiis ah sidda lagu arkey qoraal ay heshey BBC-du.

Qoraaalkan ayaa muujinaya in cufkii hore ee ay ahayd in lagu gufeeyo daarta oo magaciisa la yidhaahdo 'zinc cladding' lagu bedeley nooc alluumiyam ah oo u nugul dabka, iyada oo lacag dhan $300,000 oo doolar ay usoo hartay.

Dowladda UK oo baaritaanno ku sameysay daaraha dhaadheer ee dabka u nugul

Cufkan ayaa la aaminsan yahay in uu qayb ka ahaa sababaha keenay in uu dabkii ay ku dhinteen ku dhowaad 80 qof uu degd eg ku fido.

Image caption Muuqaalka Daarta Grenfell

Qoraal ay BBCdu heshay ayaa muujinaya in shirkada dib u habeynta ku sameyneysey daarta sannadkii 2014 laga dalbey in ay isticmaalaan cuf Zinc ah oo ay isticmaalaan nooca Aluumiyamka ah oo ka jaban.

Qoraal loo direy shirkada dhismaha wadey bishii July sannadkii 2014ka waxa ku qoran in qiimihii hore ee dib u habeynta la dhimey ilaa £693,161.

Image caption Daarta Grenfell

Lacagta la dhimey waxay qayb ka tahay nidaam ay degmooyinka iyo ururka maareynta guryaha ay ku dhimaan kharashka ku baxa dib u habeynta saraha dhaadheer. Ilo ku dhow degmooyinka ayaa sheegey in ay qayb ka tahay cadaadis joogto ah oo haysta degmooyinka in ay dhimaan kharashkaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan