Dowladda Thailand oo ku jahwareersan Soogalootiga

Khariidad

Dowlada Militariga ah ee dalka Thailand ayaa dib u dhigtay dhaqangalinta sharciga cusub ee shaqaalaha dalka.

Sharcigan cusub ayaa ka yimid ka dib markii walaac iyo jahwareer laga muujiyay shaqaalaha soo galootiga ah iyo dadka shaqaalaysiista.

Kumannaan muhaajiriin shaqa doon ah ayaa ku soo butaacay dalka Thailand kuwaasi oo ka soo qaxay dalalka dariska la ah sida Myanmar iyo Cambodia.

Dadkani soo galootiga ah waxay inta badan ka baqaan xarig iyo ganaax haddii lagu helo iyaga oo aan haysan ogolaanshiyo shaqo.

Tallaabadani cusub ee sharciga shaqaalaha ayaa qayb ka ah tallaabooyiin dhowr ah oo ay dowlada Thailand ku doonayso in ay xeerar ugu samayso shaqaalaha soo galootiga.

Qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha ayaa ah kuwa aan haysan sharciyo, islamarkana u nugul in tacadiyo loo gayso ama ay gacanta u galaan dadka wax tahriibiya iyo mukhalasiinta.