Dad lagu dilay qalalaasaha ka socda Venezuela

Sawir hore oo mudaaharaad ah Lahaanshaha sawirka EPA

Labo nin ayaa lagu dilay dibad baxyada looga soo horjeedo dowladda ee ka socda magaalada Barquisimeto ee dalka Venezuela oo maalin kale galay.

In ka badan siddeetan qof ayaa lagu dilay tan iyo intii dibad baxyada joogtada ah ee ka dhanka ah madaxweyne Nicolas Maduro ay bilowdeen saddex bilood kahor, iyadoo ay jiraan xasarado dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in maleeshiyada afka duuban ee dowladda taageersan ay gawaari ku kaxeynayeen hareeraha magaalada iyagoo dadka qalqal gelinaya.

Gudaha Caracas, dad badan ayaa lagu xirxiray iyagoo isku dayaya inay isugu soo xoomaan xafiiska maxkamadda qaabbilsan arrimaha doorashooyinka.

Goor sii horreysay, Qaramada Midoobay ayaa ku boorrisay dowladda Venezuela inay xushmeyso sharciga waxayna walaac ka muujisay qalalaasaha dalkaasi ka sii socda.