Maalqabeen reer Chili oo ah 5 kun oo calan u iibiyey taageerayaasha dalkiisa

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Maalqabeen u dhashay dalka Chili ayaa u diray dalka Ruushka shixnad ka kooban 5 kun oo calanka taageerayaasha qaranka Chili ka hor ciyaarta kama damebysta ah ee koobka Qaaradaha ee la cayaari doono caawa saacadda Afrikada Bari marka ay tahay 9-ka fiidnimo.

Ciyaarta ayaa ka dhici doonta garoonka Krestovsky stadium ee magaalada in St. Petersburg's, waxaa isku haleeli doona xulka kubadda cagta ee Chile iyo xulka Jarmalka oo haysta koobka aduunka.

Leonardo Farkas oo ah nin maalqabeen ah oo ka ganacsada macdanta ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga wuxuu ugu baaqay taageerayaasha xulka dalkiisa in ay isu soo baxaan oo ay soo dhoobtaan kadinka hore ee Hotel-ka ay degan yihiin ciyaartooyda Chili si ay guddomaan calamadda ayna u muujiyaan taageeradooda xulkooda ka hor ciyaarta Ruushku wuxuu marti galin doonaa Koobka Aduunka sanadka soo socda taasi oo ah markii ugu horreysay.

Lahaanshaha sawirka AFP