"Hadallada Mr Trump waxay ku dambeyn doonaan dilka qof saxaafadda ka tirsan"

Lahaanshaha sawirka TWITTER
Image caption Muuqaalka ayaa markii hore la soo galiyey website lagu taageero Mr Trump oo lagu magacaabo Reddit

Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyey in uu hurinayo colaad ka dhan saxaafadda ka dib markii uu ku baahiyey bartiisa Internet-ka ee Twitter-ka

muuqaal shactiro ah oo muujinaya isagoo feer la dhacaya nin madaxiisa lagu aadiyey calamadda telefishinka CNN.

Muuqaalka oo ah mid la habeeyey ayaa laga farsamayeey muuqaalka mar uu sanado ka hor Mr Trump booqday goobaha musaaricada lagu ciyaaro wuxuu muujinaya isagoo dhulka si xun ugu tuuraya nin laga dhigayey in uu yahay CNN, ka dibna si ba'an feer ugu cel celinaya.

Wariye ka tirsan CNN-ka oo lagu magacaabo Ana Navarro, ayaa ka shanqariysay in madaxweynuhu uu ku dameyn doono in qof ka mid ah saxaafadda la dilo.

Mr Trump wuxuu si joogto ah ugu eedeeyaa telefishinka wararka ee CNN warbaahin beenley ah.