Qadar oo 48 saac loogu daray si ay u aqbasho dalabka loo soo jeediyay

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar ayaa Kuwayd gaaray si uu u gudbiyo jawaabta rasmiga ah ee Qadar Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar ayaa Kuwayd gaaray si uu u gudbiyo jawaabta rasmiga ah ee Qadar

Sacuudi Carabiya iyo saddex dal oo kale oo Carab ah ayaa 48 saac ku kordhiyay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee ay Qadar u qabteen si ay u aqbasho shuruudaha ay u gudbiyeen.

Wakhtigii markii hore loo qabtay Qadar si ay u aqbasho shuruudahan ayaa ku ekaa Axaddii.

Shuruudahaas 13ka ah waxaa ka mid ah in Qadar ay xirto warbaahinta Al Jazeera iyo saldhigga milatari ee Turkiga.

Qadar waxay sheegtay in ay jawaabaheeda rasmiga ah oo waraaq ku qoran u diri doonto dalka Kuwayd Isniinta.

Qadar ayaa diiday eedaymaha uga yimid dalalka ay dariska yihiin ee sheegaya in ay taageerto argagixisada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadari ayaa Isniintan u ka dagay Kuwayd si uu u boqorka Kuwayd oo ah dhexdhexaadiyaha ugu wayn ee xiisadda Khaliijka ugu wareejiyo jawaabta boqorka Qadar.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Sheekh Moxamed bin Cabdulraxman bin Jassim Al-Thani ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu uu diiday dalabka loo soo jeediyay balse uu diyaar u yahay wadahadallo shuruudo sax ah wata.

Qadar ayay todobaadyo saaran yihiin cunaqabatayno dublamaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo aan la sii saadaalinin, kuwaas oo uga yimid Sacuudi Carabiya iyo xulafadiisa Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn.