Haweenay markii shanaad lagu weeraray aysiidh

Arrin ugub ah ma aha in haweenka Hindiya lagu weeraro aysiidh Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Arrin ugub ah ma aha in haweenka Hindiya lagu weeraro aysiidh

Haweenay ku sugan gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya oo la sheegay in ay horay uga badbaaday kufsi iyo afar jeer oo kala duwan oo lagu weeraray aysiidh ayaa mar kale lagu tuuray aysiidh.

Waxaa la weeraray iyada oo ku sugan bannaanka huteel ku yaalla Lucknow iyada oo biyo ka dhaansanaysa ceelgacmeed, sida ay booliisku sheegeen.

Haweenaydan oo 35 jir ah ayay booliisku waardiyaynayeen wakhti kaste, sababo la xiriira weerradii hore oo la xiriiray muran dhisme.

Waxaa sii kordhaya carada ka dhalatay in dawladdi ay ammaankeeda sugi la dahay.

Waxaa la sheegay in markii u horay ay labo nin kufsadeen oo ay aysiidh ku shubeen 2008dii ka dib markii uu muran guri dhexmaray, murankaas oo aan faahfaahin badan laga haynin.

Amnesty International oo edeesay laamaha amaanka ee Nigeria

Isla labadaas nin ayaa lagu eedeeyay in ay labo jeer oo kale aysiidh ku weerareen 2012kii, iyaga oo isku dayaya in ay ka laabato dacwadii hore ee ay ku soo oogtay.

Bishii Maarso ayaa la weeraray mar kale iyadoo tareen kula safraysa gabadheeda, markanse waxaa lagu qasbay in ay cabto aysiidh.

Labada nin ayaa wajahaya dacwado ku aadan dhammaan weerarrada gabadha loo gaystay, laakiin bishii Abriil ayaa damiin lacageed lagu siidaayay, sida ay ku warrantay Wakaaaladda Wararka ee AFP.

Sida ay muujinayso qiimaynta dawladdu, boqolaal weerar oo noocaas oo kale ah oo aysiidh loo adeegsado ayaa ka dhaca Hindiya, inkasoo dadka arrintan u dhaqdhaqaaqa ay sheegayaan in tiradu ay intaas aad uga badan tahay.

Qolyaha arrimahan ku hawlan waxay sheegeen in inta badan weerarradan lagu bartilmaameedsado dumar ay weerarraan lamaaneyaashooda oo masayrsan.

Maxkamadda sare ee dalka Hindiya ayaa 2013kii soo saartay sharci lagu xaddidayo iibinta aysiidha, haddana dadka arrintan ka soo horjeeda waxay sheegayaan in wali ay meelo badan taalo si dhib yarna loo heli karo.

Maxkamaddu waxay amratay in qofka gadaya aysiidh la waydiiyo aqoonsi sax ah iyo sababta uu u gadanayo, macluumaadkaasna lala wadaago booliiska.