Dad masaajid ka soo baxay oo lagu xabbadeeyay Faransiiska

Gabadh 7 jir ah ayaa la sheegay in ay ka mid tahay dadka dhaawacmay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Gabadh 7 jir ah ayaa la sheegay in ay ka mid tahay dadka dhaawacmay

Siddeed ruux ayaa ku dhaawacan tahay toogasho ka dhacday bannaanka masaajid ku yaalla koonfurta Faransiiska, sida ay saraakiishu sheegeen.

Labo nin oo hub wadata ayaa weeraray dad salaad ku soo tukaday masaajidka Arraxma oo ku yaalla magaalada Avignon.

Labada nin ayaa weerarka gaystay markii ay dadku ka soo dareereen jameecaadkii, sida ku warramay wargayska La Provence newspaper.

Booliiska ayaa sheegay in aysan dhacdadan ula dhaqmaynin sidii mid argagixiso.

Afar ka mid ah dadka dhaawacmay waxay ku sugnaayeen masaajidka hortiisa, halka afar ruux oo kale oo isku qoys ahna ay dhaawacyo ka soo gaareen firirka rasaasta iyaga oo ku sugnaa gurigooda oo ku yaalla meel 50 mitir u jirta masaajidka.

Qoyska uu dhawacu soo gaaray ayaa la sheegay in ay ka mid tahay gabadh yar oo siddeed jir ah, sida uu ku warramay wargayska La Provence oo soo xiganaya ilo.