'Shiinaha oo ka carooday daandaansiga Maraykanka'

Markabka USS Stetham ayaa sawirkan laga qaaday sannadkii 2015, isaga oo ku soo shiraacday Shanghai oo u dhow jasiiradda Triton Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Markabka USS Stetham ayaa sawirkan laga qaaday sannadkii 2015, isaga oo ku soo shiraacday Shanghai oo u dhow jasiiradda Triton

Shiinaha ayaa sheegay in markab uu leeyahay Maraykanka oo jooga meel u dhow jasiiradda lagu muran san yahay ee ku taalla Badda Koofurta Shiinaha ay tahay daandaansi siyaasadeed iyo mid milatari.

Markabka USS Stethem ayaa ku soo xirtay meel u dhow Jasiiradda Triton, oo qayb ka ah Jasiiradaha archipelago, oo ay sheegtaan Shiinaha iyo dalal kale.

Shiinaha ayaa arrintaas kaga jawaabay in uu doomo milatari iyo diyaaradaha dagaalka u diro jasiiraddaas.

Arrintan ayaa dhacday saacado kahor markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ay telefoonka ku wada hadleen.

Wada hadalkaas, ayuu Xi ugu sheegay Trump in arrimo aan wanaagsaneyn ay saameeyeen xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha.

Warbixin ka soo baxday Aqalka Cad oo ku saabsaneyd wada hadalkooda ayaanan lagu sheegin in ay labadoodu ka wada hadleen arrinta markabka, balse waxaa lagu xusay inay xoojiyeen sida ay uga go`an tahay in dhulka Kuuriya laga dhigo mid nukliyeerka ka caaggan.

Mareykanka ayaa dhowr jeer uga digay Shiinaha qabsashada jasiiradahaasi ku yaalla biyaha lagu muran san yahay, balse Beijing ayaa sheegeysa inay ku taallo geyigeeda ayna xaq u leedahay inay sidaa sameyso.

Shuruucda Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in geyi walba uu sheegan karo biyaha ka korreeya 12 meyl xeebtiisa.

In Markabka dagaalka ee Mareykanka uu ku soo xirto meel u dhow jasiiraddaasi ayaa ka dhigan inuusan Mareykanka aqoonsaneyn sheegashooyinka Shiinaha.