Xal ma laga gaari doonaa khilaafka waddamada Khaliijka?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xal ma laga gaari doonaa khilaafka waddamada Khaliijka?

Dalka yar ee qaniga ah ee Qatar ayaa haysta maanta oo kaliya inuu ku aqbalo liiska waxyaabaha laga doonayo inuu fuliyo ama waxa uu wajihi doonaa cunaqabateyn dheeraad ah oo ay ku soo rogaan Sucuudi Carabiya iyo saddex dal oo kale oo carbeed.

Shalay, wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar ayaa waxa uu joogay dalka Kuwayt si uu u gudbiyo jawaabta dowladdiisa.

Dadka qaadaa dhiga arrimaha Carabta ayaa sheegaya in tani ay tahay dhibaatadii siyaasadeed ee ugu xumeyd ee muddooyinkan dambe ka dhex dhacda wadammada Khaliijka Carabta.

Haddaba Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ayaa arrintaasi ka wareystay Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir) oo ka faalooda arrimaha Caalamka Islaamka iyo Carabta.