Itoobiya oo Soomaaliya maxaabiis ku wareejisay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Itoobiya oo Soomaaliya maxaabiis ku wareejisay

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xukuumadda Itoobiya ay u ballanqaadday inay ku wareejinayso maxaabiis Soomaali ah oo 120 ka badan, kuwaasoo dalkeeda ku xirnaa, loona haystay dambiyo kala duwan.

Arrintaas waxaa BBC u xaqiijiyey mas'uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Addis Ababa oo sii deynta maxaabiistan muddo ku hawlanaa.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa Maxamed Cali Nuur ayaa uga warramay Faarax Lamaane oo Nairobi jooga hawsha ku saabsan sii deynta maxaabiistan.