HRW oo ku baaqday in caddaalad loo helo colaadda CAR

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Nabad Ilaaliyaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo gaafwareegaya deegaanka Bria

Warbixin cusub oo ay maanta oo Arbaca ah soo saartay hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa waxa ay dhaleecaysay isla xisaabtan la'aanta ka jirta dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika tan iyo sanadkii 2014, markaa oo kooxo hubaysan ay bilaabeen inay beegsadaan dadka rayidka ah.

Warbixinta ayaa waxa ay ku adkaysanaysaa sida loogu baahan yahay maxkamad cusub oo gaar ah oo degdeg ku howlgasha.

Warbixintan cusub ayaa soo jeedinaysa baahida loo qabo caddaalad lagu wajaho colaadda afar sano ka hor ka bilaabatay dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Warbixinta oo diiraadda lagu saarayay dambiyada dagaal ee ka dhacay guud ahaan dalkaasi ayaa waxa ay soo xiganaysaa wareysiyo lala yeeshay boqolaal qof oo ku kala nool saddex gobol oo dalkaasi ah.

Gobollada Haute Kotto iyo Ouaka, ayey warbixintu sheegtay inay sare u kacayaan rabshadaha sababo la xiriiro dagaal ku saabsan maamulidda dhulka iyo kheyraadkiisa dabiiciga ah, kaas oo u dhaxeeya garabyada ay Muslimiintu horkacayaan ee Seleka iyo maleeshiyaadka Kirishtaanka ah ee anti-balaka.

Inkastoo heshiis nabadeed bishii Juun ee sanadkii hore ay kala saxiixdeen dowladda iyo inta badan kooxaha hubeysan, ayaa hadana dilalka dadka rayidka ah, tuulooyinka oo la weerraro, iyo dilalka aargoosiga ah ayaa qeyba badan oo ka mid ah dalkaasi ka noqday kuwo iska caadi ah.

Dambiyadaasi dagaal ayey tahay inay qaaddo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ICC-da.

Maxkamad gaar ah ayaa laga hirgaliyay gudaha dalkaasi balse ma haysato dhaqaale ku filan.

Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa tan iyo 2013 waxa ay bartamaha kaga jirtay colaad diimeed, kaddib markii falaagada Muslimiinta ah ay la wareegeen xukunka dalka oo ay afgambiyeen madaxweynihii masiixiga ahaa ee Francois Bozize.

Tan iyo markaana 400,000 oo qof ayaa ku baracakay gudaha dalka haatanna ku dhawaad kala bar dadka dalkaasi waxa ay ku tiirsan yihiin gargaar.