Baarlamaanka Somaliland oo ansixiyay in uu ka doodo xeerar muhiim ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baarlamaanka Somaliland oo ansixiyay in uu ka doodo xeerar muhiim ah

Baarlamaanka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa meel mariyay ajendaha kalfadhigooda cusub ee shalay un billowday.

Ajendhahaasi ayaa u badan xeerar ku saabsan macdanta, sahminta shidaalka iyo soo saaristiisa, iyo dakhliga ka soo baxa shidaalka.

Doodda ansixinta ajandhaha oo aad u kululeyd ayaa mudanayaal badani su'aalo ka keeneen sababta xukuumadda oo ay afar bilood un u harsan tahay ay hadda u keentay xeerarkan oo dhawr sano baarllamaanku ka dalbanaayay.

Haddaba umuurtan ayaa waxaannu ka wareysannay gudoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, oo u warramay weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige.