Soomaaliya oo dooneysa in ay IGAD kala waregto dowrka hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah burcad badeedda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya oo IGAD kala wareegeyso dowrka hoggaaminta dagaalka burcad badeedda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ay la wareegto dowrka hogaaminta ee dagaalka ka dhanka ah burcad badeedda Soomaalida.

Dowrka hoggaanka ayaa waxaa haatan leh Urur goboleedka IGAD.

Soomaaliya ayaa arrintaas ku dalban doonta shir laba maalmood ka socon doona dalka Mauritius.

Shirkan oo furmaya maanta oo Arbaca ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa walaaca ka dhashay weerrarada cusub ee burcad badeedda ay sanadkan maraakiibta kaga qafaasheen xeebaha Soomaaliya.

Haddaba umuurtan ayuu weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ka wareystay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya, oo shirkaasi Soomaaliya ku matalaya.