Kiisaska gudniinka fircooniga oo ku soo batay UK

Gudniinka fircooniga Lahaanshaha sawirka MSHEP2/GETTY

Hay`adda caafimaadka NHS ee dalka Britain ayaa diwaan gelisay 5,391 kiisas cusub oo gudniinka fircooniga ah sanadkii la soo dhaafay.

Kala bar gabdhaha la guday waa kuwo ku nool magaalada London.

Saddex meelood meel waa haween iyo gabdho Soomaaliya ku dhashay, halka 112 kiisaskaasi ka mid ah ay yihiin muwaadiniin u dhashay Ingiriiska.

Ku dhaqanka gudniinka fircooniga ayaa mamnuuc ka ah Britain waxaana qasab ku ah dhaqaatiirta, isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka maskaxda inay soo sheegaan kiisaska cusub ee bukaannadooda.

Gudaha Britain qofkii lagu qabto isagoo ku dhaqmayana wuxuu muteysanayaa 14 sano oo xabsi ah.

Waa markii labaad ee NHS ay soo saarto warbixintan sanadlaha ah ee gudniinka fircooniga gudaha Britain.

Inta badan kiisaskaasi ayaa waxaa soo sheegay umulisooyinka iyo dhaqaatiirta ka shaqeeya qaybaha dhalmada haweenka.

Haweenka badankood ayaa gudniinka fircooniga loogu sameeyay dibadda iyagoo carruur ah.