Al Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig booliis oo ku yaalla Lamu

Al Shabaab ayaa weeraro badan ka fuliyay Kenya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Al Shabaab ayaa weeraro badan ka fuliyay Kenya

Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa dagaal la galay dagaalyahano ka tirsan Al Shabab oo soo weeraray saldhig booliis halkaasi oo ku burburiyeen qalab isgaarsiin.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku waramaysa in weerarka uu ka dhacay degaanka Lamu ee gobolka xeebta.

Dad goob-joogayaal ah ayaa u sheegay wargayska Standard ee ka soo baxa dalka Kenya in mintidiinta Shabaab ay sidoo kale xili weerareen iskuul ku yaalla deegaanka Pandanguo. Balse ilaa iyo hadda ma jiraaan warar rasmi ah oo xaqiijinayo weerarka iskuulka.

Wargayska The Standard ayaa ka soo xigtay madaxa booliiska gobolka xeebta Philip Tuimur, in wali ay ciidamada ammaanka ay dagaal kula jiraan mintidiinta weerarka soo qaaday .

"Dagaalka wali wuu socdaa waxaana wali aan sugaynaa jawaabaha ka soo baxa goobtaasi," ayuu yiri sargaalkan.

Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa waxa horay dhowr jeer weerar ugu qaaday mintidiinta Shabaab.

Todobaadkii aanu soo dhaafnay afar arday iyo afar askari ayaa dhintay ka dib markii gaarigii ay la socdeen uu dulmaray walxaha qarxa magaalada Kiunga.

Weerarka maanta ayaa ku soo beegmaya maalmo uun ka dib markii sargaal sare oo dowlada ka tirsan oo ka soo jeeda goobtaasi uu ku baaqay in la xoojiyo howlgalada laga sameeynayo kaynta Boni oo la rumaysan yahay in Shabaabku ay ka howlgalaan.