Maxkamadda ICC oo go'aan ka gaareysa Koonfur Afrika

Suudaan Lahaanshaha sawirka Reuters

Garsooreyaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada ee ICC ayaa waxa ay maanta xukumi doonaan in Koonfur Afrika ay jabisay shuruucda caalamiga iyo in kale kaddib markii ay ku guuldareysatay inay xirto Madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir oo sanadkii 2015-kii magaalada Johannesburg uga qeybgalay shir ay halkaa ku yeesheen waddamada Midowga Afrika.

Madaxweyne Bashiir ayaa loo haystaa inuu galay dambiyo dagaal iyo inuu xasuuq ka gaystay gobolka Daarfuur ee waddanka Suudaan.

Go'aanka maxkamadda ayaa imanaya maalin uun kaddib markii xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ee ANC uu wacad ku maray inuu dardargelin doono qorshaha uu dalkaas kaga baxayo Maxkamadda ICC-da.

Dacwaddan ayaa muujineysa kala qaybsanaan ka dhex jirta gudaha dalka Koonfur Afrika oo ay ku tartamayaan labo hay'adood oo saameyn weyn leh.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay xirto oo ay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee ICC u gacangeliso madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir.

Sida uu sheegay Midowga Afrika, Madaxweyne Bashir ayaa leh xasaanad diblomaasiyadeed oo u suurtagelinaysa in aan la xirin.

Haddii ay caddaato in dowladda Koonfur Afrika ay ku guuldareysatay wajibaadkeeda ku aadan arrintaasi, garsooreyaasha maxkamadda ayay suurtagal tahay in arrintaasi ay ku wareejiyaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Haseyeeshee arrintaasi ayaa loo arki doonaa mid iska tusaale ah oo aan micno weyn ku fadhin, maadaama dowladda dalkaasi ay dooneyso in ay ka baxdo xubinnimada maxkamaddaasi.