Magaalada Chicago ee dalka Maraykanka oo lagu toogtay 101 ruux

Calaamadda la suro meesha ay hawlgal ka wadaan booliisku si aysan dadku u soo galin Lahaanshaha sawirka Getty Images

Ugu yaraan 101 ruux ayaa lagu toogtay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka tan iyo 4tii bishan Luulyo oo ahayd maalintii xoriyadda, sida uu ku warramay wargays ka soo baxa magaaladaas.

Ku dhawaad kala badh toogashadaasi waxay dhacday 12 saac gudahood sida uu ku warramay wargayska Chicago Tribune.

Qofka ugu da'yar wuxuu ahaa wiil 13 sano jira halka qofka ugu da'wayna uu ka ahaa nin 60 jir ah.

Madaxweya Maraykanka Donald Trump ayaa dhawaan sheegay in uu xubno faderaal ah u dirayo Chicago si ay booliiska magaalada gacan uga siiyaan wax ka qabashada weerarrada budhcadda ee magaalada ka dhaca.

Rasaasayntaas kala badhkeed waxay ka dhacday koonfurta iyo galbeedka magaalada Chicago.

Inkastoo booliiska Chicago lagu xoojiyay 1,000 askari oo dheeri ah haddana si buuxda umayna xakamaynin dhibaatada.

Dadka ay waxyeeladu soo gaartay sannadkan ayaa ka badan kuwii dabaaldegga xorriyadda ee 2016kii, markaas oo 66 ruux la toogtay.

Dadka lagu toogtay magaalada Chicago sannadkan 2017ka ayaa noqonaya in ka badan 1,800 sida uu ku warramay Tribune.

Laakiin xaaladdu uma xuma siddii ay sannadkii hore u xumayd markii la marayay wakhtigan oo kale iyadoo markaas la toogtay 2,035 ruux.

Booliiska magaalada Chicago ayaa toddobaadkan sheegay in toogashada magaalada ay hoos u dhacday 14% marka loo eego lixdii billood ee u horaysay sannadkii 2016kii.