Dagaal ka dhacay xabsi ku yaal Mexico oo ay 29 qof ku dhinteen

Booliska la dagaalama rabshadaha ayaa galay xabsiga kaddib dagaalka lagu le'day Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Booliska la dagaalama rabshadaha ayaa galay xabsiga kaddib dagaalka lagu le'day

Mas'uuliyiinta dalka Mexico ayaa sheegaya in 29 maxbuus lagu dilay dagaal ka dhacay gudaha xabsi ku yaalla magaala xeebeedka Acapulco.

Saddex qof oo kale ayaa rabshadahaasi ku dhaawacmay.

Saraakiisha ammaanka ee gobolka Guerrero ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu dhex maray kooxo burcad ah oo ka tirsan maxaabiista xabsigaasi.

Waxa ay sheegeen in ugu yaraa afar maxbuus madaxa laga jaray.

Waa dhacdadii ugu dambaysay ee muujinaysa sare u kaca rabshadaha ka dhigay sanadka 2017 mid ka mid ah sanadaha ugu dhiig daadashada badan taariikhda dhaw ee Mexico.

Rabshadaha ka dhacay xabsiga magaalada Acapulco ayaa yimid xilli madaxa ammaanka gudaha ee Mareykanka, John Kelly, uu booqday magaalada Guerrero si ay uga wadahadlaan mas'uuliyiinta Mexico baabi'inta beerista iyo wax soo saarka daroogada heroin-ka.