Maxaa laga filan karaa kulanka Trump iyo Putin ka hor shirka G20
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa laga filan karaa kulanka Trump iyo Putin?

Waxaa markii ugu horreysay maanta kulmaya hoggaamiyeyaasha waddamada Mareykanka iyo Ruushka tan iyo markii Donald Trump loo dhaariyay xilka ku dhawaad muddo haatan lix bilood laga joojo.

Inkastoo Trump iyo Putin loo arkayay in uu xiriir ka dhaxeeyo gaar ahaanna eedeymihii ahaa in Ruushku uu faragelin ku sameeyay doorashadii Mareykanka ee uu Trump ku soo baxay, haddana waxaa hadda soo baxaya kala duwanaansho dhanka aragtida ee arrimaha qaar, gaar ahaanna colaadda Suuriya, Ukraine iyo arrinta Kuuriyada Woqooyi.

Haddaba shirkan ma yahay mid muhiimad leh? Maxayse ka wadahadli doonaan labadan mas'uul?

Su'aalahaas iyo kuwa kale ayuu Cabdifitaax Ibraahim Cagayare waydiiyay Cabdiqaadir Maxamed Axmed oo deggan dalka Jarmalka, kana faalooda arrimaha caalamka.