Soomaalida danyarta ah ee Minneapolis oo ka muddaharaadday guryo la sheegay in laga saarayo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida Minneapolis oo ka muddaharaadday guryo la sheegay in laga saarayo

Dibadbax looga soo hor-jeedo in waaxda guryaha dadwaynaha ee magaalada Minneapolis ay iibiso xaafadda Glendale Town-home ayaa khamiistii ka dhacay gudaha xaafaddaasi.

Dadka deggan xaafadda oo ay ka mid yihiin Soomaali badan ayaa sheegay in aanay doonayn inay ka guuraan guryahaan, waxayna ku eedeeyeen waaxda guryaha dadwaynaha ee magaalada Minneapolis in ay dooneyso in ay guryahaasi ku wareejiyo shakhsiyaad hantiilayaal ah balse arrintaasi ayaa waxaa beeniyay Jeff Horwich oo ka tirsan waaxdaasi.

Xaafadan ayaa dhowrsano ka hor laga dhisay wado tareen oo isku xirta labada magaaalo ee mataanaha ah ee St Paul & Minneapolis taasoo qiimahii xaafadaa kor u qaadday.

Dadka isu soo baxay oo Soomaali ay ka mid yihiin ayaa BBC-da la hadlay.