Dalal Carbeed oo wacad ku maray in ay tallaabooyin hor leh ka qaadi doonaan Qadar

Scuudi Carabiya, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii u jaray Qadar bishii aan ka soo gudubnay ee Juunyo Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Scuudi Carabiya, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii u jaray Qadar bishii aan ka soo gudubnay ee Juunyo

Afarta dal ee Carbeed ee hogaaaminaya go'doominta ka dhanka ah Qadar ayaa diidmada Dooxa ee dalabkooda ku macneeyay halis ammaanka gobolka ka dhan ah.

War ay si wadajir ah u soo saareen Scuudi Carabiya, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayay sidoo kale kaga digeen tallaabooyin dheeri ah.

Afartaas dal ayaa xiriirkii u jaray Qadar bishii hore, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto kooxaha jihaaddoonka ah.

Qadar oo toddobaadkan horraantiisii diiday dalabka ay soo gudbiyeen dalalkan uu Sacuudigu hor kacayo ayaa iska fogaysay eedaymaha loo soo jeediyay.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa la filayaa in uu Isniinta gaaro dalka Kuwayd oo dhexdhexaadinaya dhibaatada Khaliijka.

War qoraal ah oo ay Khamiistii si wadajir ah u soo saareen Scuudi Carabiya, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayay ku sheegeen in diidmada Qadar ee 13-kooda dalab in ay ka dhigantahay sida ay u doonayso in ay sii wado siyaasaddeeda ay uga golleedahay in ay ku burburiso ammaanka gobolka.

Waxaa kale oo ay ku hanjabeen in ay soo saari doonaan tallaabooyin siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhan ah dalkaas yar ee Khaliijka ku yaalla, iyaga oo aan arrintaas faahfaahin dheeri ah ka bixinin.

Waxyaabaha ay dalalkaasi Qadar ka dalbadeen waxaa ka mid ah in ay albaabada u laabto warbaahinta Al-Jazeera iyo in ay hoos u dhigto calaaqaadka ay Iiraan la leedahay iyo sidoo kale in ay ku soo wareejiso dadka ay argagixisonimo u raadinayaan.