Qorshaha Soomaaliya ee la soo wareegida hawada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qorshaha Soomaaliya ee la soo wareegida hawada

Dawladda Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ka bilowday rakibaadda qalabkii lagu maamuli lahaa hawada Soomaaliya kadib markii mudo sagaal bilood ah lagu muransanaa qalab ku jiray ilaa sagaal kunteenar oo loo waday xafiiska laga maamulo hawada Soomaaliya ee ku yaala magaalada Nairobi oo lagu hayay garoonka Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho kaasoo marki danbe la isku afgartay in Muqdisho loo daayo.

Hadaba qalabkan waa qalab caynkee ah?, Soomaalidu awood ma u leedahay ku shaqeyntiisa?, maxaa u dhiman in Soomaaliya ay si buuxda ula soo wareegto hawadeeda?, su'aalahaas ayaa Mowliid Xaaji Cabdi wuxuu kula xiriiray Maxamed Nuur Abuukar oo ku nool dalka Mareykanka oo aqoon durugsan u leh hawlaha duulimaadka hawada in mudo ahna ka soo shaqeeyey barnaamijyada maamulka hawada.