Soomaali lagu tuhansan yahay inuu dadka tahriibiyo oo dowladda Soomaaliya loo gacan galiyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nin lagu tuhansan yahay inuu dadka tahriibiyo oo dowladda Soomaaliya loo gacan galiyay

Ciidamada ammaanka ee South Sudan ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya usoo gacan geliyay muwaadin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu dadka tahriibiyo, isla markaana uu la shaqeysto kooxda loo bixiyay magafayaasha.

Safiirka Soomaaliya ee South Sudan, Xuseen Xaaji Axmed, ayaa u sheegay BBC-da in ninkan muddo badan ay ku daba jireen booliska caalamiga ah ee Interpol, haatanna maxkamad lagu soo taagi doono magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa khadka telefoonka ee Muqdisho oo uu hadda ku sugan yahay ugu warramay weriyaha BBC-da Axmed Maxamed Ibraahim (Axmednagaashe).