Naafada Minneapolis oo ka shiray xaaladda dadka naafada ah ee gobolka Minnesota
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Naafada Minneapolis oo ka shiray xaaladda dadka naafada ah ee gobolka Minnesota

Qaar ka mid ah Soomaalida naafada ah ee ku nool magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa muujiyay sida loogu baahan yahay in la garab istaago dadka naafada ah.

Kaddib kulan ka dhacay magaaladaasi ayaa dadkani naafada ah, gaar ahaan kuwooda ku socda ama lagu riixo gawaarida naafada ayaa waxa ay sheegeen in ay doonayaan in ay sameeyaan qaab ay ku caawiyaan dadka naafada ah ee ku cusub gobolka Minnesota iyo kuwii horey u sii joogayba, kuwaasi oo ay sheegeen in ay caqabado badan la kulmaan.

Haddaba Siyaad Siciid Salaax oo ah suxufi madax-bannaan oo deggan magaaladaasi ayaa doodan gaaban u qabtay Shiikh Cabdirisaaq Nuux, Saalaxo Abuukar, Saciid Xuseen, iyo Axmed Xalane oo dhammaantood ah naafo oo kana mid ahaa naafada halkaa isugu timid, waxaa uuna ku hormaray Shiikh Cabdirisaaq Nuux oo uu ugu horreyn weydiiyay kulankooda waxa uu ku saabsan yahay.