Trump oo niyad jab kala tagay shirka wadamada G20

Madaxweyne Trump oo la kulmay Angela Merkel Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweyne Trump oo la kulmay Angela Merkel

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka baaqday shirkii jaraa'id ee uu qaban lahaa dhamaadkii shirka wadamada qaniga ah ee G20. isagoo ka dhoofay Jarmalka kadib markii uu lasii kulmay madaxweynaha shiinaha Xi Jinping.

Madaxweyne Trump waxuu sheegay in uu ku kalsoon yahay in Washington iyo Beijiin ay soo afjari doonaan hamiga nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi inkastoo ayuu yiri ay qaadan karto mudo dheer.

Dhinaca kale Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in xiriir adag oo ay leeyihiin Mareykanka iyo Shiinuhu ay u wanaagsan tahay xasiloonida dunida aan maanta degeneyn. Mr Trump waxa kale oo kulamo la yeeshay hogaamiyayaasha wadamada Britain iyo Indonesia.

Kulan saaka qabsoomay oo lagaga hadlayey Africa ayaa Madaxweyne Trump waxaa ku matalay gabadhiisa Ivanka Trump iyadoo arrintaasina ay ahayd talaabo horey aan loo arag.