Dad loo xiray jeer ay dileen

Niger
Image caption Niger

Dalka Niger ee ku yaala Galbeedka Afrikana 15 qof ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii ay dileen jeer.

Wararka ayaa sheegaya in jeertan ay toogteen kadib markii ay soo weerartey lo' daaqaysay meel u dhow wabi ku yaala Ayorou oo ah magaalo ku taala galbeedka gacanka wabiga Niger.

Deegaankan ayaa waxaa ku nool jeer badan oo loogu talagalay dalxiisayaasha, balse dadka degaanka ayaa marar badan ka cawday xayawaankan oo beeraha xoog ku gala kadibna dalagyadooda cuna.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in jeertu ay sidoo kale ku ciriirisay biyaha wabiga.

Saddex sano ka hor ayey sadex caruur dugsi ah dhinteen kadib markii ay jeer weerartey doon yar oo ay wateen meel aan ka fogeyn magaalada Niamey ee caasimada dalka Niger.