Aqalka Cad oo isku khalday Shiinaha iyo Taiwan

Aqalka Cad Khalad Lahaanshaha sawirka White House
Image caption Aqalka Cad ayaa isku khalday magacyada rasmiga ah ee Shiinaha iyo Taiwan

Qoraal rasmi ah oo uu soo saaray Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka, ayaa waxaa ku jiray khalad weyn, ayadoo uu isku khalday Shiinaha iyo Taiwan.

Qoraalka oo soo baxay ka dib markii uu madaxweyne Trump kula kulmay dhigiisa Shiinaha shir madaxeedkii G20, ayaa waxa uu Xi Jinping ku sheegay inuu yahay madaxweynaha "Jamhuuriyadda Shiinaha".

Magacaasi ayaa ah kan sida rasmiga ah loogu yaqaano Taiwan, halka Shiinahana loo yaqaano "Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha."

Goor sii horraysayna, Aqalka Cad ayaa ku tilmaamay Shinzo Abe inuu yahay madaxweynaha Japan. Abe ayaa ah ra'iisul wasaaraha dalkaasi.

Aqalka Cad ayaa markii dambe saxay khaladaadkaasi.

Dad badan oo ah kuwa wax ku qora baraha bulshada, ayaa khaladaadkaasi ku tilmaamay kuwo waji gabax ku ah mas'uuliyiinta Aqalka Cad.

Shiinaha iyo Taiwan ayaa waxaa ka dhex taagan muran weyn, ayadoo xukuumadda Beijing ay u aragto Taiwan gobol ka mid ah dhulweynaha Shiinaha.