Xaaladda Xeryaha Dhadhaab 27 sano kaddib
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda Xeryaha Dhadhaab 27 sano kaddib

Tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii, dadkii dalka ka qaxay waxay ku baaheen daafaha dunida waxaanay ku sugan yihiin duruufo kala duwan.

Kuwa dal-tabyada ay duruufaha nololeed ee adagi u dheer yihiin waxa ka mid ah dadka weli ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee ku yaal dalk Kenya.

Waxaanay dadkaasi ku jireen xeryahaas 27 iyo labaatan sannadood, waxayna haatan rajo ka qabaana in dib loo bilaabi doono hawlihii dib u celinta qaxootiga ee hay'adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kalee gargaarku bilaabeen haseyeeshee yara hakaday.