Trump oo ka laabtay qorshihii internetka ee Ruushka

Donald Trump iyo Vladimir Putin Lahaanshaha sawirka Reuters

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka laabtay qorshe uu Ruushka la kaashan lahaa oo uu ku doonayay in uu ku sameeyo gaashaan dhanaka Internetka ah oo lagaga hortago in doorashooyinka loo dhaco.

Saacado uun ka dib markii uu arrintan soo bandhigay Axaddii ayuu madaxweynaha Maraykanku sheegay in ay la tahay in aysan hirgali doonin arrintaas.

Wadashaqaynta uu madaxweynuhu sheegay in uu Ruushka la yeelanayo waxaa aad ugu jeesjeesay xisbiga Jamhuuriga.

Arrintaas ayaa timid ka dib markii Trump uu waji ka waji ula kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyaga oo shirka Jermalka uga wada hadlay arrintaas.

Trump ayaa kulankaas ku tilmaamay mid wanaaagsan wuxuuna soo dhigay in labada dal ay xiriir dhaw yeeshaan.