Hawlaha horyaala kalafadhigan xildhibaanada aqalka sare ee Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hawlaha horyaala kalfadhiga xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay kalafadhiga 2aad ee aqalka sare ee baarlamanka federaalka kadib labo bilood oo ay fasax ku maqnaayeen.

Madaxweynaha oo khudbad dheer ka jeediyay furitaanka kalafadhiga aqalka sare ayaa ku booriyay mudanayaasha inay dadajiyaan sharciyada la xiriira arimaha federaalka maadaama ay wakiilo ka yihiin dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka.

Haddaba maxay yihiin hawlaha horyaala kalafadhigan xildhibaanada aqalka sare, su'aashaas iyo su'aalo kale oo la xiriira shaqada aqalkan, waxa uu weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan uu weydiiyay gudoomiye kuxigeenka 1aad ee aqalka sare ee baarlamanka federaalka Abshir Maxamad Axmed oo loo yaqaano Abshir Bukhaari.