Sacuudiga oo ay u cuntami wayday heshiiska Qadar iyo Mareykanka

US Secretary of State Rex Tillerson (L) and Qatari Minister of Foreign Affairs Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani (R) sign a memorandum of understanding in Doha, Qatar (11 July 2017) Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Mr Tillerson ayaa sheegay in heshiiska uu dalkiisa la saxiixday Qadar uu saameyn ku yeelan doono maalgelinta kooxaha argagixisada

Afarta dal ee Carbeed ee xiriirka u jaray Qadar ayaa sheegay inay sii wadi doonaan cunaqabateynta ka dhanka ah dalkaasi. Hadalkan ayaa yimid kadib markii Qadar iyo Washington ay ku heshiiyeen ka hortagidda maalgelinta argagixisada.

Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa sheegay in heshiiskaasi oo uu Talaadadii Mareykanka u saxiixay xoghayaha arrimaha dibedda, Rex Tillerson, uusan ahayn mid aan u cuntami karin.

Waxay sheegeen in Qadar ``aan la aamini karin``maadama ``ay horay u jibisay heshiisyo``.

Dalalkaasi ayaa ku eedeeyay dalkani yar inuu taageero kooxaha argagixisada ah. Qadar way beenisay eedaymahaasi.

Mr Tillerson ayaa sheegay in heshiiska uu dalkiisa la saxiixday Qadar uu saameyn ku yeelan doono maalgelinta kooxaha argagixisada ah, korna uu u qaadi doono dagaalka ka dhanka ah kooxahaasi.

Qadar ayaa laba isbuuc ka hor laga dalbaday inay fuliso shuruudo 13 ka kooban si xayiraadda looga qaada.

Waxaa ka mid ahaa inay xirto telefishinka Al Jazeera, inay xirto xerada milatariga ee Turkigu dalkaasi ku leeyahay iyo inay xiriirka u jarto kooxda Ikhwaanul Muslimiinka.

Ka dib markii Qadar ay dalabyadaasi ku gacan seyrtay ayaa dalalkani waxay isbuucii la soo dhaafay sheegeen inay qaadi doonaan tallaabooyin kale oo lagu sii ballaarinayo go'doominta dhaqaale, siyaasadeed iyo sharci ee dalka.