Mosul oo gacanta dowladda Ciraaq gashay

Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq oo si rasmi ah ugu dhawaaqay guusha Mosul Lahaanshaha sawirka TWITTER/@IRAQIPMO
Image caption Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq oo si rasmi ah ugu dhawaaqay guusha Mosul

Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq Haider Al-Cabadi ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay guusha dagaalka lagula jira kooxda Dowlad Islaamiga ah magaalada Mosul.

Mr Cabadi ayaa jeediyay khudbad u ku cadeynayo guusha la gaarray waxaa uuna sheegay in kooxda isugu yeertay dowladda islaamka ay hadda noqotay wax taarikhda ay xusi doonto oo lagasoo tegay.

Ra'isal wasaaraha ayaa xusay sidoo kalena u mahadceliyay ciidamada Ciraaq ee gacanta ku dhigay magaalada Mosul iyaga oo aanay ka garab dagaalameynin ciidamo ajnabi ah.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciddamada ciraaq oo debaldegaya

Mar sii horeysay waxaa soo baxay warar sheegaya in dagaalku uu weli ka soconayo qeybta taariikhiga ha ee Mosul halkaas oo ay weli haystaan dagaalyahanada Daacish.

Guusha uu ku dhawaaqay waxay ka dambeysay dagaal socday sagaal bilood oo ciidamada ay kulla jireen xoogaga kooxda la baxday Khilaafada Islaamka.

Dagaalkii Mosul wuxuu dhaliyey burbur xoog leh, waxaana ku dhintay kumanaan qof waxaa sidoo ku barakacay ilaa dad gaaraya hal million oo qof.