Abaaraha:Dad baahi ugu dhintay gobolka Bay.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaaraha:Dad baahi ugu dhintay gobolka Bay.

In Badan oo barnaamijyadeenna ka mid ah ayaan idinkugu soo gudbinnay gaajo iyo macaluul ka taagan meelo badan oo Soomaaliya ah iyo dhulka soomaalidu degto ee gobolka geeska Afrika. Wararka qaar ayaa iminka sheegaya in marka laga yimaado dhimashada xoolaha ay billaabatay dhimashada dadka.

Todobaadkii hore ayaa la sheegay in dad ay gaajo iyo macaluul darteed ugu dhinteen tuulooyin hoos taga degmada Qansax dheere ee Gobolka Bay.

Aadan Cabdi Qooqane oo ah guddoomiyaha degmada Qansax dheere ayaa Faarax Lamaane uga warramay dhibaatadaas iyo xaaladda dadka nool sida ay hadda tahay.