Nin lagu soo oogay in uu toogasho ku dilay wiil yar oo hurda

Brayden Dillon ayaa la toogtay isaga oo jiifa gurigooda oo ku yaalla magaalada Sydney Lahaanshaha sawirka NSW POLICE
Image caption Brayden Dillon ayaa la toogtay isaga oo jiifa gurigooda oo ku yaalla magaalada Sydney

Nin reer Australia ah ayaa lagu soo oogay dacwad isaga oo loo haysto in uu dilay wiil 15 jir ahaa oo uu madaxa ka toogtay isaga oo sariirtiisa jiifay.

Brayden Dillon oo jiifa gurigooda oo ku yaala magaalada Sydney ayaa madaxa laga toogtay bishii Abriil ee sannadkan ka dib markii uu guriga soo galay nin wajigu u duuban yahay oo hubaysan, sida ay booliisku sheegeen.

Isniintii ayay booliis aad u hubaysan soo xireen wiil 26 jir ah iyaga oo ku soo oogay in uu dil gaystay.

Arrintaas ayaa ku soo aaday saacado uun ka dib markii ay booliisku baahiyeen gaari aagaas lagu wadwaday wakhtiyadii ay toogashadaasi dhacday.

Bishii April ayay booliisku sheegeen in nin hubaysan uu u hanjabay Brayden hooyadii ka hor inta uusan qolkiisa galin ee uusan toogashada gaysanin.

Ninka qaba wiilka dhintay hooyadii iyo gabdho uu dhalay ayaa markaas ku sugnaa guriga.

Mark Henney oo ka mid ah askartii baaritaanka ku haysay dilkan ayaa Isniintii sheegay in dilka wiilka loo gaystay uu ahaa mid arxan darro ah.

Booliiska ayaa sheegay in Arbacadan uu 16 jir noqon lahaa.

Ninkan ayaa talaadadan ka soo muuqan doona maxkamad ku taala magaalada Sydney.