Amnesty: 'Awood xad-dhaaf ah' ayaa loo adeegsaday Mosul

Ciidammada Ciraaq iyo kuwa malayshiyaadkaba waxaa lagu eedeeyay in ay waxyeelo u gaysteen shacabka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidammada Ciraaq iyo kuwa malayshiyaadkaba waxaa lagu eedeeyay in ay waxyeelo u gaysteen shacabka

Ciidammada dawladda Ciraaq iyo xulafadooda dagaalka ka galay magaalada Mowsul ayaa adeegsaday hub awood badan oo aan loo baahnayn, sida lagu sheegay warbixin ay diyaarisay hay'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International.

Ciidammadaas ayaa hub culculus geeyay deegaannada ay bulshadu ku badan tahay, ayay tiri Amnesty.

Saraakiisha xulafadu wali kamaysan hadlin eedaymahaas loo soo jeediyay, laakiin horay ayay u sheegeen in ay sameeyeen wax kaste oo ay awoodeen si loo badbaadiyo shacabka.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Masjid 800 oo sano jiray oo la qarxiyey

Amnesty ayaa sidoo kale tacaddiyo waawayn ku eedaysay kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka.

Malayshiyada ayaa lagu eedeeyay in ay dadka gabaad ka dhigatay markii ay xulafadu weerareen iyo in ay dileen boqolaal haddiiba aysan kumannaan ahay si ay dadka kale u cabsi galiyaan iyaga oo maydadka qaar saaray xarkaha korontada.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dagaalladii dhawaa ayaa dhulka la simay qaybo qabadan oo magaalada ka mid ah
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Malayshiyada isku magacawda dawladda Islaamka ayaa dishay shacab isku dayaya in ay dagaallada ka baxsadaan iyo kuwo guryahooda ku suganba