Wenger oo beeniyay in Sanchez uu ka tagayo Arsenal

"Ciyaartoydu qandaraas ayay haystaan waana in ay ixtiraamaan" Arsene Wenger Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption "Ciyaartoydu qandaraas ayay haystaan waana in ay ixtiraamaan" Arsene Wenger

Tababaraha Arsenal, Arsene Wenger, ayaa sheegay in weeraryahan Alexis Sanchez, aanu kala hadlin inuu ka tegi rabo kooxdaasi ka dhisan London, isagoo intaa ku daray inuu filayo in laacibkan Chile u dhashay uu dhamaysan doono muddada qandaraaskiisa.

28 jirkan ayaa qandaraaskiisa kooxdan ku dheesha garoonka Emirates waxaa uga harsan muddo sannad ah.

Haseyeeshee waxaa jira warar sheegaya in Sanchez laga maqlay inuu doonayo in uu ku biiro kooxda Manchester City.

Sanchez ayaa xagaagii 2014kii Arsenal kaga soo biiray kooxda Barcelona, isagoo ay ka bixisay 35 milyan oo gini.

Weeraryahan Sanchez ayaa xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay u dhaliyay Arsenal 24 gool kulamadii uu u saftay horyaalka Ingiriiska.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Arsenal ayaa labo ciyaarood ku leh magaalda Sydney ka hor inta uusan xilli ciyaareedku billaabanin