Wiilka Trump oo ogaa in Ruushku uu garabtaagnaa aabihii

Donald Trump Jr Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Donald Trump Jr

Wiilka Trump oo ogaa in Ruushku uu garabtaagnaa aabihii

Wiilka curadka ah ee Donald Trump ayaa loo sheegay in xogta ku aaddan Hillary Clinton ee ay u gudbisay gabadha qareenka ah, ay qeyb ka ahayd dadaal ay dowladda Ruushka ku caawinaysay ololaha doorashada ee aabihii, sida uu sheegay wargeyska New York Times.

Rob Goldstone, oo soo qaban qaabiyay kulankaasi dhacay bishii Juun 2016, ayaa sidaa ku sheegay email, sida uu shaaciyay wargeyska.

Kulanka oo la rumaysan yahay inuu ahaa kii ugu horreeyay ee dhexmara muwaadin Ruush ah iyo shakhsiyaadka aadka ugu dhaw madaxweynaha, ayaa ka dhacay dabaqa uu Trump ku leeyahay New York, iyadoo xilligaasi labo toddobaad ka hor uu Donald Trump ku guulaystay musharraxnimada xisbiga Jamhuuriga.

Wiilka oo lagu magacaabo Donald Trump Jr ayaa qiray in kulankaasi uu dhacay, balse wuxuu ku dooday in macluumaadka ay haweeyneydaasi siisay aanu ahayn mid waxtar leh, ama xog xasaasi ah watay.

Wuxuu intaa ku daray in markii dambe ay kala hadashay arrin taa ka duwan oo ah sida carruurta Ruushka ay ula soo wareegi karaan una korsan karaan qoysaska Maraykanka ah.

Afhayeen u hadlay garyaqaannada madaxweyne Trump ayaa sheegay in madaxweynaha uusan ka war qabin isla markaana aanu ka qeyb galin kulankaasi

Gudi ka tirsan Congress-ka Maraykanka iyo dacwad ooge gaar ah ayaa baaritaan ku haya in kooxdii doorashada Trump iyo Ruushka uu xiriir ka dhexeeyay ka hor doorashadii 2016.

Baaritaannada ayaan weli soo bandhigin wax caddeyn ah, madaxweyne Trump-na wuxuu marar badan beeniyay inuu Ruushka gacan ka helay markii uu u tartamayay madaxtinnimada Maraykanka.