Lo' diyaarado loogu daabulay Qadar

Lo'da halkan ku sawiran ayaa Qadar sii joogay cunaqabataynta ka hor Lahaanshaha sawirka Reuters

Lo' ayaa loo duuliyay Qadar si sare loogu qaado caanaha maadaama oo ay dalkaas cunaqabatayn saareen dalal ay daris yihiin oo uu Sacuudigu hogaaminayo.

165 sac oo caano badan ayaa ka yimid Jermalka iyaga oo qayb ka ah 4,000 oo neef oo la soo dhoofin doono.

Cunaqabatayno dhanka hawada, dhulka iyo badda ah oo la saaray Qadar ayaa jahwareer abuuray maaadaama oo bulshada halkaas ku nool oo 2.7 milyan ah ay waxyaabaha aasaasiga ah ka heli jireen dalka dibaddiisa.

Xulafada uu Sacuudigu hogaaminayo ayaa ka digay in ay tallaabooyin dheeri ah ka qaadi doonaan qadar haddii aysan hirgalinin dalabyadooda.

Sacuudiga oo tarxiilay geela Qadar

Shan toddobaad ayaa laga joogaa markii ay Sacuudiga, Baxrayn, Masar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta cunaqabatayn saareen dalka Qadar