Wararkii ugu waaweynaa ee ay BBC-du tebisay lixdankii sano ee la soo dhaafay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Wararkii ugu waaweynaa ee ay BBC-da tebisay lixdankii sano ee la soo dhaafay

Laanta af-Soomaaliga ee BBC-du waxa ay shaqadeeda bilawday 18-kii Luuliyo, 1957-kii, waxaana lagu bilaabay in ay hadasho toddobaadkiiba laba jeer oo min 15 daqiiqo ah, hase ahaatee, si isdabajoog ah ayaa marba loo kordhinayey muddada idaacadda.

Markii ugu horreysay, subaxnimada waxa la sii deyn jirey wararka caalamka, gelinka dambena waxa la sii deyn jiray faallo ku saabsan wararka wakhtigaas taagnaa. Hase ahaatee, 1dii luulyo, 1961-kii (Sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay gobanimada Jamhuuriyadda Soomaaliya) ayaa labadii barnaamij ee ahaa warka iyo faallada ee labada wakhti kala bixi jirey la isku daray, waxaana la kordhiyey oo kale wakhtigii barnaamijka oo halkii uu 15-ka daqiiqo ka ahaa ayaa laga dhigay 30 daqiiqadood (1430 - 1500 GMT oo ku beegan 5:30 - 6:00 pm wakhtiga Geeska Afrika). Ugu dambayntii, 25-kii Maarso ee 2000 ayaa la kordhiyay waqtiga Laanta Soomaaliga.

Muddadii sanadaha ahayd ee u dambeysey ayaa Laanta waxa u suurta gashay - markii ugu horreysey - in ay sameyso weriyeyaal wararka uga soo dira Mugdisho, Hargeysa, Garowe iyo Kismaayo. Taasina waxa ay keentay in Laantu xog-ogaal u ahaato arrimaha dhinaca siyaasadda iyo kuwa bulshadaba ee Soomaaliya. Weriyeyaashaas jooga meelaha kala gaddisan waxa ay ku dadaalaan, oo mararka qaarkoodna ay naftoodaba khatar u geliyaan in ay wararka soo gaadhaya xaqiiqada ka gaadhaan isla markaana ay hubiyaan wixii run ah iyo wixii kale.

Sabti-Arbaco oo aad dhagaysan kartaan 45-daqiiqadood galab kasta laga bilaabo 14:15 GMT (Waqtiga Caalamiga ah) ayadoo Khamiista-Jimcaha laga dhigay hal Saac, idaacada habeenkii oo ah 30 daqiiqadood waxba iskama badalin. Wakhtigaas ayaa noqday wakhti aad ugu habboon dhegeysiga BBC-da ee dalalka geeska Afrika ee dadka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin.

Maanta waxaa nalaka dhegeystaa mowjadaha gaagaaban, FM-yada maqalkoodu fasiixa yahay, telefoonka gacanta, Internet-ka BBCSomali.com, Website-ka iyo Telefishinka BBC Somali oo sanadkan hirgalay iyo facebook.

Image caption Qaar ka mid ah weriyayaasha BBC-da sanadii 2013-ka

Taariikhdani waxay ka bilaabanaysaa sanadkii 1950-kii, markii dhulkii la oran jiray Italian Somaliland ee koofurta Soomaaliya uu noqday maxmiyad Qaramada Midoobay oo maamulka Talyaaniga hoostaga. Lix sano kaddib dhulkaas waxaa loo bixiyay Soomaaliya, waxaana la siiyay is-maamul hoose, muddo kaddibna waxaa la qabtay doorashooyinkii ugu horreeyay oo ay ku guulaysteen xisbigii dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL).

Bishii July ee 1960-kii, dhulalkii British Somaliland iyo Italian Somaliland labaduba madaxbannaani ayay qaateen iyagoo ku midoobay sameynta Jamhuuriyadda Xorta ah ee Soomaaliya. Aden Cabdulle Cusmaan ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay, laakiin xuduudaha cusub ee dalku si cad uma qeexnayn, sidaas darteed waxaa dhacay dagaallo xuduudaha iyo colaado ay Soomaalida isaga hor yimaaddeen dalalka Itoobiya iyo Kenya sannadihii 1960-yadii oo dhan.

Waxaa kaloo jirtay dood ku saabsan in heshiiskii midnimada koofurta iyo woqooyiga Soomaaliya aan si wanaagsan looga baaraandegin.

Sanadkii 1967-dii, Ra'iisal wasaarihii Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharma'arke, ayaa doorasho madaxtinimo oo dalka ka dhacday kaga guulaystay madaxweynihiisii Aden Cabdulle Cusmaan.

15-kii Oktoobar 1969-kii, madaxweyne Sharma'arke waxaa dilay askari ka tirsanaa ciidankiisa boliiska. Maxamed Siyaad Barre ayaana xukunka kula wareegay afgembi milateri. 1970-kiina waxaa uu ku dhawaaqay hantiwadaagga cilmiga ku dhisan, isagoo sii xoojinaya xiriirkii kala dhexeeyay Midowgii Sovieti.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Siyaad Barre wuxuu xukunka ku qabsaday afgambi uusan dhiig ku daadan 21 Oktoobar 1969

Sanadkii 1972-dii, Af-Soomaaliga ayaa la qoray, wuxuuna noqday luuqadda rasmiga ah ee dalka.

1974-kii Soomaaliya waxay ku biirtay ururka Jaamacadda Carabta. 1977-78, ciidammada Soomaaliya waxay dagaal uga jireen gobolka Soomaalida Itoobiya oo ka mid ahaa colaadaha xuduudda ee 1960-meeyadii. Ciidammadii Soomaaliya waxaa soo jebiyay Ruushka iyo Cuba, taas oo keentay in Maxamed Siyaad Barre uu dalka ka eryo taliyeyaasha milateri ee Ruushka ka joogay, uuna xiriir la sameysto Maraykanka. Soomaaliya iyo Itoobiya heshiis nabadeed ayay kala saxiixdeen sanadkii 1988--dii.

Sanadkii 1974/75 waxaa dalka saamaysay abaar aad u ba'an oo ku habsatay gobolka geeska Afrika. Waxaana Soomaaliya soo galay qaxooti fara badan oo ka yimid dhinaca Itoobiya.

Sanadkii 1975-tii, waxaa xukun dil ah lagu fuliyay toban culumaa'uddiin ah oo ka soo horjeestay qaanuunkii xeerka qoyska ee kacaanku soo rogay ee sinnaanta ragga iyo dumarka.

Sanadkii 1978-dii, waxaa Muqdisho lagu fashiliyay afgembi ay isku dayeen koox ciidammada ka tirsanaa, isla sanadkaas taageerayaashii afgembigaasi waxay sameeyeen ururkii markii dambe loo bixiyay SSDF.

Sanadkii 1981-dii, Ururkii SNM ayaa lagu aasaasay magaalada London.

Sanadkii 1989-dii, ururkii USC ayaa la dhisay. 1990-kii, kooxdii Manifesto oo ka koobnayd ilaa 100 hoggaamiyeyaal siyaasadeed iyo ganacsato caan ah ayaa saxiixay bayaankii Muqdisho oo madaxweyne Barre ugu baaqaya inuu xukunka ka dego.

1990-kii, jabhadihii SNM, USC iyo SPM waxay samaysteen isbahaysi ay doonayeen inay awoodda uga tuuraan madaxweyne Barre.

1991-dii, Madaxweyne Barre xukunka ayaa laga tuuray. Burburkii dowladda waxay horseedday xukun u tartamid iyo dagaallo sokeeye, taas oo keentay imaatinka ciidan nabad ilaalineed oo Qaramada Midoobay ka socda oo Soomaaliya ka hawl gelayay intii u dhexaysay 1992 iyo 1995, kaddib markii caalamka laga arkay dhibaatada bani'aadanimo iyo macluusha ka dhalatay dagaallada sokeeye.

1992-dii Soomaaliya waxaa galay ciidan Maraykan ah. Hawl galkii Rajo soo Celinta waxaa uu ujeedadiisu ahayd in cuntada gargaarka ah laga ilaaliyo inay dhacaan kooxaha hubaysan. Sanadkii xigay, jabhado Soomaali ah ayaa soo riday laba ka mid ah dayuuradaha helicopter-ada Maraykanka, waxayna taasi keentay dagaal ay ku dhinteen boqollaal muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

29-kii Jannaayo 1991-dii, Cali Mahdi Maxamed ayaa loo doortay madaxweyne ku meel gaar ah.

18 May 1991-dii, SNM waxay jamhuuriyad madaxbannaan kaga dhawaaqeen waqooyiga dalka.

1992-dii, Hawl galkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya(UNOSOM) ayaa bilawday. 9 December 1992, Hawlgalkii gargaarka ee Maraykanka (Rajo Soo Celin) ayaa tegay Soomaaliya.

Sanadkii 1993-dii, 24 ka tirsanaa ciidanka Pakistan ee nabad ilaalinta Soomaaliya ayaa Muqdisho lagu dilay.

24-kii September2001-dii, QM waxay ku dhawaaqday inay dhammaan shaqaalaheeda caalamiga ah kala baxayso Soomaaliya, iyadoo sheegtay in aanay dammaanad qaadi karin ammaankooda. Sanadkii ka dambeeyay, Maraykanku waxaa uu ku dhawaaqay inuu kordhinayo hawlgalladiisa milateri ee Soomaaliya oo uu sheegay inay joogto al Qaacida.

Image caption Cabdullaahi Xaaji wuxuu ahaa weriyihii ugu muddada dheeraa ee ka shaqeeya laanta af Soomaaliga

Oktoobar 2004-tii, waxaa dalka Kenya lagu dhisay dowlad federaal ku meel gaar ah ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yusuf ayaa madaxweyne ka noqday. Waxay ahayd markii 14aad ee la isku dayo in Soomaaliya dawlad loo sameeyo tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991-dii. Bishii Febraayo 2006-dii, markii ugu horreysay ayay dowladda ku meelgaarku ku shirtay ciid Soomaaliyeed oo ah magaalada Baydhabo.

Bishii Maarso 2006-dii, QM ayaa soo saartay codsi gargaar degdeg ah, maadaama dad ka badan laba milyan oo qof ay abaari ku habsatay.

Bishii Juun 2006-dii, waxaa caasimadda Muqdisho qabsaday ururkii maxaakiimta Islaamiga ah oo ballan qaaday inay nidaamkii soo celinayaan shareecadana lagu dhaqmayo.

Garoonka dayuuradaha iyo dekedda Muqdisho ayaa dib loo furay 11 sano kaddib. Bishii July, ciidammada Itoobiya ayaa galay Soomaaliya si ay uga hortagaan maleeshooyinka Islaamiga ah.

24-kii December-na maxkamadihii waa la jebiyay. Isla bishaas golaha ammaanka ee QM waxaa uu guddoomiyay in waddammada deriska ah aanay ciidammo u diri karin Soomaaliya, balse Midowga Afrika oo keliya ay dalkaas ciidammo geyn karaan. Itoobiya guddoonkaas way iska dhegatirtay, waxayna duurta u dirtay maxkamadihii Islaamiga. 27 Disembarna, Ururka Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabtu waxay Itoobiya ugu baaqeen inay ka baxdo Soomaaliya.

Maalintii ku xigtay waxaa Muqdisho dib u qabsaday dowladdii kumeelgaarka oo ciidammada Itoobiya ay gelbinayeen. 2007-diina, madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa Muqdisho soo galay tan iyo markii uu madaxweynaha noqday. Febraayo 2007-diina, QM ayaa oggolaatay in ciidan Midowga Afrika la geeyo Soomaaliya. Bishii December, Itoobiya waxay sheegtay inay ciidammadeeda kala baxayso Soomaaliya, taas oo keentay in madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu isla markiiba ku dhawaaqo is-casilaaddiisa.

Jannaayo 2009-kii, waxaa madaxweyne noqday Shariif Sh. Axmed, oo ka tirsanaa kooxihii ka horjeeday Cabdullaahi Yuusuf ee dib u xoreynta Soomaaliya. Febraayo 2010-kii, al Shabaab waxay rasmi ah ugu dhawaaqeen inay isbahaysi la yihiin al Qaacida.

Bishii Febraayo sanadkii 2011-kii, baarlamaankii Soomaaliya waxaa uu u codeeyay in xilligiisa lagu kordhiyo saddex sano. Bishii Oktoobar ee 2011-kii, ciidammada Kenya ayaa galay Soomaaliya, kaddib markii dagaallamayaal lagu tuhunsan yahay al-Shabaab ay weerarro ku qaadeen goobo dalxiis oo dalka Kenya ku yaal.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption 2012 waxay ahayd markii ugu horreysay ee burburkii dalka ka dib doorasho ay gudaha dalka ka dhacdo

Sanadkii 2012-kii waxaa magaalada Muqdisho lagu doortay dowlad federaal ah oo rasmi ah, taas oo lagaga baxay nidaamkii ku-meel gaarka ahaa, waxaana madaxweyne ka noqday Xasan Sheekh Maxamuud. Bishii Febaraayo ee 2012kii, wasiirro-arrima-dibadeedyo caalamka ka kala socday iyo madaxweynihii iyo ra'iisal wasaarihii Soomaaliya ee xilligaas ayaa magaalada London ku yeeshay shir lagaga hadlayay mustaqbalka dalka Soomaaliya.

Horraantii sanadkan 2017, waxaa mar kale Muqdisho ka dhacday doorasho baarlamaan ay soo xuleen ergooyin gobollada dalka matalayay, waxaana uu baarlamaankaasi madaxweyne u doortay Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo loo yaqaan Farmaajo, oo isagu ololaha doorashada ku galay arrimo ay ka mid yihiin inuu wax ka qabanayo nabadgelyada dalka iyo dhismaha ciidan qaran oo wax ka qabta dagaallada ay dowladda kaga soo horjeeddo xarakada islaamiga ah ee al-Shabaab.

Marxaladahan ay Soomaaliya soo martay wixii ka dambeeyay 1991-dii waxaa ka baxsan Somaliland oo sheegtay inay ka noqotay midnimadii jamhuuriyaddii Soomaaliya, isla markaana samaysatay maamul u gaar oo xilliyadan dambe nabadgelyo iyo doorasho dimoqraaddi ah ku noolayd.

BBC Soomaali oo billawday telefishin cusub