Dhimashada Shabeelka Hindiya oo sii badanaysa

Shabeel Lahaanshaha sawirka AFP

Kooxaha u ololeeya xuquuqda duur joogta ee dalka Hinidiya ayaa ku eedeeyay saraakiisha dalkaasi in ay ku guuldareysteen inay il gaar ah ku eegaana tirada sii kordheysa ee shabeelka lagu ugaarsado Hindiya.

Lixdan iyo toddoba shabeel ayaa ku dhintay Hindiya sanadkan, balse dadka u ololeeya xuquuqda hayawaanka ayaa sheegay in laga aamusan yahay arrintan.

Kooxahan waxay sheegeen in qaar ka mid ah shabeelka ay u dhinteen si dabiici ah, balse qaar kale oo badan ay eersadeen deegaan la'aanta.

Waxay sheegeen in ay si gaar ah uga walaacsan yihiin saameynta ay arrintani ku yeelaneyso dalxiisayaasha.

Maamulka hay'adda qaran ee daryeelka shabeelka ayaa BBC-da u sheegay in aysan ka hadli karin sababaha keenay dhimashada shabeelka ilaa inta ay warbixin buuxda ka helayaan.

Inkasta oo tirada dhimashada ay korortay, haddana tirada guud ee shabeenlka ee Hindiya ayaa sii kordhaya, waxayna haatan gaarayaan 2,200 oo shabeel, iyada oo ay ku siyaaday 1,500 bilwoga qarnigan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Waxaa jira walaac laga qabo in dhimashadani ay wax u dhinto dalxiiska